LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Start Before You’re Ready

 



Bilow Intaadan Diyaar Noqon!

Dhirigelin, guul, bilow hada riyo horumar, niyad wanaag, caqabadaha nolosha, diyaar garow

Dad badan waxay sugayaan inay “marka hore diyaar noqdaan” si ay u bilaabaan riyadooda, shaqo cusub, ganacsi, ama barasho xirfad cusub. Laakiin xaqiiqdu waxay tahay: waqti ku haboon mar walba ma imaanayo

 

Hadii aad sugayso ilaa aad ka dareento inaad si buuxda u diyaar tahay, waxaa laga yaabaa inaadan waligaa bilaabin. Guusha  dhabta ah waxay ka bilaabata go’aanka aad qaadato adigoo cabsi dareemaya, adigoo aan hubin waxa dhici doona, balse aaminsan naftaada iyo riyadaada.

 

Bilow hada, xitaa hadii aadan wax walba garan. Tallaabo yar oo aad manta qaado waxay kaaga dhowdahay hal sano oo sugaayso “ Maalin haboon” Hadii aad ku dhacayso, wax baro. Hadii aad ku guuleysato, dhiirigeli kuwa kale.

 

Caqabadaha nolosha iyo shakiga nafta waa wax caadi ah, laakiin kaliya kuwa geesiga ah ayaa ka gudba. Wax kasta oo aad manta bilowdo, ha yaraadeene, waxay noqon kartaa asal ahaan guul weyn berri.

 

Hadaba, ha sugin. Bilow intaadan diyaar noqon. Guushaadu way ku sugeysaa.

 

Riyadaada u dhaqaaq hada. Baro inta aad wadaada ku jirto. Wax walba ma ogaan doontid bilowga, laakiin waxaad baran doontaa marka aad socoto



 

Marwalba aad u dhaqaaqdo riyadada. amiin ilahay inuu kula jiro kuna guulaynaayo yaqiinso in riyadada ilahay ku dhabaynaayo tawakal ilahay oo talabada horay u qaad

 

Ha cabsan-bilow hada. Guushaadu way ku sugaysaa.

 

Bilow hada, guul dhiriigelin, riyo horumar iyo dhirigalin.


Post a Comment

0 Comments