“Sida Subax
Kasta Looga Bilaabo Nolol Quruxbadan”
Subax walba
side ayaad noloshada ugu bilaabi kartaa si qurux badan?
Ma ka
warqabtaa in subax wanagsan uu keeno maalin guul leh?
Waa maxay sababta
ay muhiim u tahay inaad subaxdii hore toosto?
Subax kasta,
toos adigoo niyad wanaagsan leh. Ka bogo naftaada adigoo ducaysta ilahay u
mahadceliya naftada u mahadceliso, una diyaargarowga maalintada.
Inaad
subaxda jimicsato, waqti yar u hurto naftaada, iyo inaad maskaxdaada ku buuxiso
fikrado wanaagsan, waxay noloshaada u horseedi kartaa farxad iyo horumar.
Su’aal:
.Ma
leedahay subaxdii aad ugu ficnayd noloshaada?
.Ma isku
dayday inaad maalinwalba bilowdo adigoo niyad wanagsan leh?
Xasuusnow:
“Nolosha
quruxdeeda waxay ka bilaabataa go’aanka aad qaadato markaad toosto.”
Bilow subax
kasta niyad dhisan, una soco nolol iftiimaysa!
Subax wnaagsan
Nolol qurux
badan
Farxad iyo
horumar
Niyad
wanaagsan
Bilow wanaagsan
Hadaba side ayaad subax kasta uga dhigi kartaa mid
kuu horseeda nolol qurux badan?
1.Toos
Waqti Hore
Inaad
subaxii hore toosto waxay ku siineysaa waqti aad naftaada u diyaariso.
Su’aal: Ma
dareentay farqiga u dhexeeya maalinta aad hore kacdo iyo maalinta aad daahdo?
Toos wakhti
hore, subax wanaagsan
2.Samee
Mahadnaq
Markaad
indhaha kala qaado, maskaxdada ku fur mahadsanq.
Xasuuso
waxyabaha wanagsan ee Alle ku siiyey, ha bilaabin maalintaada adigoo cabanaya.
Su’aal: Ma
ogtahay in mahadnaqu uu kobciyo faraxada qalbigaaga?
Mahadnaq,
farxad
3.Samayso
Duco iyo Fikrado Toosan
Intaadan
bilaabin hawlahaaga, samay duco, kuna fikir wax wanagsan.
Maskaxda
toosan waxay kuu jiheynaysaa guul iyo nabadgalyo.
Su’aal:
Sidee ayey maskaxda wanagsan kuu caawin kartaa inaad gaarto riyadaada?
Maskax
toosan, guul duco
4.Dhaqaaqa
jirkaaga (Jimicsi fudud)
Jimicsiga
subaxii wuxuu ka saaraa daalka, wuxuuna kugu abuuraa tamar cusub.
Uma baahnid
inaad saacado qaadato, xitaa 5-10 daqiiqo ayaa ku filan.
Su’aal:
ayuu kuu dareensiiyey?t
Jimicsi
subax, tamar cusub
5.Dejiso
Yoolal Maalinle ah
Qor
waxyaabaha aad doonayso inaad maalintaas gaarto.
Yool cad
waxay kaa caawinayaan inaad waqtigaaga mamusho.
Su’aal:
Maxaad manta doonayso inaad gaarto?
Yool
maalinle, maamulka waqtiga
Gunaanad
Nolosha
quruxdeeda ma imaanayso si lama filaan ah- waxaa la Sameeya iyada oo subax walba
si xikmad leh loo bilaabo.
Go’aanso
inaad subax kasta ka dhigtto mid wanaagsan, oo aad u diyaarsato guulo cusub.
Xasuusnow:
“Maalinta
wanaagsan waxay ka bilaabata subaxda wanaagsan”
0 Comments