Sidee loo Dhisi
Karaa isku Kalsooni iyo Awood Nafsadeed?
Isku kalsooni
iyo awood nafsadeed waa laba arrimood oo muhiim ah oo qof kasta u baahan yahay si
uu u gaaro guul iyo farxad. Hadii aad rabto inaad noqoto qof xoogan, xitaa
markaad la kulanto caqabado, waxaad u baahan tahay inaad dhisto isku kalsooni
iyo awood nafsadeed. Halkan waxaa kuqoran dhowr talo oo ka caawin doona inaad
hagaajiso kalsoonidaada iyo awoodaada gudaha:
1.Baro
inaad Naftaada Jeceshahay
Isku
kalsooni waxay ka bilaabataa in aad naftaada aqbasho. Qofna ma noqon karo mid
kalsooni leh hadii uu si joogto ah u naxariisan naftiisa ama u fikiro six un.
Bilow inaad si togan u eegto naftaada.
2.Iska
Ilaali Fikirka Xun
Fikirka xun
wuxuu xadidi kara awoodaada iyo kalsoonidaada. Markasta oo aad isku aragto
inaad ku fikirto six un, isku day inaad bedesho fikirkaas oo aad u leexiso
dhinac togan.
3. Samee
ujeedooyin cad oo lagaari karo
Ujeedooyinka
cad waxay kaa caawinayaan inaad hesho dariiq
aad ku gaarto waxa aad rabto. Ujeedooyinkaaga markaad gaadho, waxay kordhin
doonaan kalsoonidaada gudaha.
4.Xiriir
wanaagsan la samee dadka kugu dhiirigeliya
Dadka kugu
dhow ee tageera waxay kaa caawinayaan inaad dareento kalsooni iyo awood. Isku
day inaad ka fogaato dadka niyad-jabka iyo kuwa ku dhirigeliya inaad ka tagto
riyadaada.
5.Isku
day howlo cusub oo kaa caawin kara inaad horumariso naftaada
Markaad
sameyso howlo cusub oo lagu tababaro, sida is daryeelka, jimicsiga, ama
barashada xirfado cusub, waxaad noqon doontaa qof ku kalsoon naftiisa.
6.Ka
fogow isbarbardhiga
Isbarbardhiga
dadka kale wuxuu hoos u dhigi karaa kalsoonidaada. Qof kasta wuu gaar , markaa
isku day inaad ka fekerto horumarkaaga adiga oo aan barbardhigin dadka kale
0 Comments