Nolol Hadaf La'aan Ah Waa Nolol Jiho Lahayn!
Hadafka
nolosha, horumar shaqsiyadeed, guul nololeed, dhiirigelin, qorshe nololeed,
nolol leh ujeedo
Noloshu waa
safar dheer oo aan micno lahayn hadii aanan lahayn ujeedo cad iyo hadaf wuxuun
lataaban karo. Qofka aan lahayn hadaf wuxuu la mid yahy doon bada ku dul socota
oo aan marin iyo jihaynba laheyn. Hadaf la’aantu waxay keentaa niyad jab, isdaba-yaac,
iyo in qofku ku waayo naftiisa jahawareer nololeed.
Maxaa
Hadafka Nolosha Muhiim ka Dhigaya?
Ha u
maleynin in hadafka iyo guushu ay gaar u yihiin dad gaara ah. Adiguba waad
gaari kartaa waxa aad rabto hadii aad naftaada aaminsan tahay, aad qorshe
yeelato, una sabarto ama dulqaadato dadaalka. Qof kastaa wuxuu ka bilaabi karaa
xitaa meel hoose, balse waxa ugu muhiimsan waa in uu leeyahay aragti dheer
iyo niyad adag.
Sidee
Loo Sameeya Hadaf ka Nolosha?
1.Naftaada
waydii: Maxaan doonaysaa inaad nolosha ka gaaro?
2.Qor hadafkaaga:
Hadaf la qoro wuxuu kaa caawinayaa inaad maskaxdaada diirada saarto
3.U kala
qaybso yoolal yar-yar: Wax kasta ha isku dayin hal mar, talaabo talaabo u
soco.
4. Xasuusnow
sababta aad u bilaawday: Marar kasta oo aad daasho. Dib u xasuuso
yoolkaaga.
Gunaanad
Noloshu
waxaty noqotaa mid dhadhan leh marka aad leedahay hadaf iyo ujeedo cad. Guusha
dadaalka joogtada ah wuxuu mar uun gaarayaa riyyooyinkiisa.
Ha noolaan
adigoo aan lahayn hadaf. Samee yool, ku soco jidka saxda ah, Ilaahayna ku aamin
safarkaaga.
0 Comments