LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

7 Tips To Make Your Home Feel Warm and Cozy

 



7 Tilmaamood oo Gurigaaga Uga Dhigi Kara Meel Diiran Oo Raaxo Leh

Gurigu waa meesha ugu muhiimsan ee qofku dareemo nabad, raaxo iyo kalgacayl. Inaad gurigaaga ka dhigto meel diiran oo kuu qalma waxay saameyn togan ku yeelan kartaa maskaxdaada, niyadaada iyo xitaa caafimaadkaaga. Qormadan waxaan ku soo gudbinaya 7 Tilmaamood oo sahlan oo ka caawinaya  inaad gurigaaga ka dhigto meel raaxo leh, diiran oo soo jiidasho leh.

1.Iftiin Diiran Isticmaal

Ka bedel iftiinka cad ee adag kuna bedel nalal diiran sida kuwa midabka huruuda u janjeera. Waxaa jira nalal yaryar oo midab diiran oo ku haboon xiiliyada fidkii. Tani waxay gurigaaga ka dhigi kartaa meel lagu nasto.

Iftiin diiran, nalal quruxbdan

 

2.Kuraas iyoBustayaal jilicsan ku darto

Barkimooyin xardhan iyo roogag diiram oo qurxoon. Waxyaabahan waxay kordhiyaan raaxada gudaha guriga waxayna abuuraan dareen diiran ama xasilooni

Bustayaal jiilicsan, guriga raaxo ka dhig

 

3.Midabyo Kulul Adeegso

Midabada sida buni , casaan khafiif ah, orange iyo beige waa kuwa soo jiidasho leh oo gurigaaga u bedeli kara meel soo dhowayn leh. Ku dar midabadaad gidaarka ama darbiga iyo albabka guriga ha isku soo baxan

Midabyo guriga qurxiya, midabyo diiran

4.Ubax iyo Geedo Yaryar Ku Qurxi Guriga

Geedaha yaryar ee la dhigo gudaha iyo ubaxyada dabiiciga ah waxay keenaan iftiin iyo nadiifnimo iyo sojiidasho waxay sidoo kale u sameeyaan guriga jawi dabiici ah oo degan.

Quruxinta guriga geed, ubax gudaha ah

 

5.Uduga Guriga Kor U Qaad (sida Unsiga)

Ku dar shumac udgoon leh . Uduga wanaagsan wuxuu kor u qaadaa jawiga guriga wuxuuna kugu abuuraa farxad iyo nasasho.

Shumacyo udgoon, caraf guriga

 


6.Sawiro iyo Alaab Xasuus Leh Ku Darto

Ku dar sawiro qoyska, farshaxan ama waxyaabo yar yar oo aad jeceshahay. Waxay guriga ka dhigayaan mid kuu gaar ah oo qoto dheer kuu leh.

Qurxinta guriga sawiro, alaabta xasuusta leh

7.Nadiifi oo Kala Hagaaji

Guri nadiif ah oo sifiican loo habeeyay ayaa had iyo jeer ka muuqdo mid wanaagsan. Ka saar alaab aan loo baahnyn, oo hub in meel walba ay leedahay nidaam.

Nadiifinta guriga, guriga hagaaji

 

Gunaanad

Hadii aad rabto guri diiran oo qoskaaga farxad ku dareensiiyo, ku bilow tallaabooyinkan fudud. Guriga waa meesha ugu horeysa ee nafta lagu dhiso, marka isagaa mudan in la qurxiyo, la nadiifiyo lana nidaamiyo.

Hana lahado gurigaga shey walba meel munaasab ku ah

 

Hada adiguna iska weydi: Gurigaaga ma yahay meel kugu filan qurux iyo kalgacayl?

 

 

Post a Comment

0 Comments