Sadex Caado oo Dadka Guuleystay Ay Maalin kasta Sameeyaan
Guushu maaha
wax si lama filaan ah u yimaada, wa natiijada ficillo iyo caadooyin sax ah oo
la sameeyo maalin kasta. Dadka guuleystay waxay leeyihiin hab nololeed ay si
joogto ah u raacaan, taas oo ka caawisa inay gaaraan yoolalkooda.
Hadaba,
haddii aad rabto inaad guul ka gaarto noloshaada, waa inaad barato cadooyinka
dadka guuletsatay oo aad naftaada ku tababarto.
Hoos ka
akhri sadex caado oo muhiim ah oo qofkasto guuleystay uu maalin kasta sameeyo!
1.Waxay
Leeyihiin Subax Waxtar Leh
Dadka
guulaystay ma toosaan iyagoo aan lahayn qorshe cad oo subaxdooda ah. Subaxdooda
waxay ku bilaaban caadooyin muhiim ah oo sare u qaada wax soo saarkooda
maalinta oo dhan
Maxay Sameeyaan subax Kasta?
· Waxay toosaan waqti hore.
· Waxay sameeyaan jimicsi si jirkooda
iyo maskaxdoodu u firfircoonaato.
· Waxay qorsheeyaan maalinta-waxay
qoraan howlaha muhiimka ah ee ay rabaan inay qabtaan.
Faa’iidada: Hadii aad subaxdada si sax ah u bilowdo,
maaliintaada oo dhan waxay noqonaysaa mid wax soo saar leh
2.Waxay Fuliyaan Shaqooyinkooda iyadoo Aan Dib loo dhigin
Dadka guulaystay ma aha kuwo shaqooyinka dib u dhiga waxay fahmeen in
waqtigu yahay hantida ugu qiimaha badan ee qof leeyahay, sidaas darted waxay
xooga saaraan inay qabtaan howlaha muhiimka ah halkii ay dhigi lahaayeen berri.
Sidee ayey uga fogaadaan dib u dhigista
shaqooyinka?
· Waxay doortaan shaqada ugu muhiimsan
oo marka hore qabtaan.
· Waxay isticmaalaan 80\20 Rule”
-20% shaqo muhiim ah ayaa keenaysa 80% natiijo.
· Waxay iska ilaaliyaan waxyaabaha
mashquulinaya sida social Media iyo TV.
· Waxay isticmaalaan farsamada “ Pomodoro
Technique”- waxay shaqeeyaan 25 daqiiqo kadibna 5 daqiiqo nasanayaan.
Faa’iidaada: Marka aad la dagaalanto dib u dhigista, wax
badan ayaad qaban doontaa, guushana way kuu soo dhawaanaysaa.
3.Waxay Bartaan Wax Cusub Maalin Walba
Dadka guulaystay ma joogaan hal meel, waxay si joogto ah u bartaan wax
cusub si ay u horumariyaan naftooda. Waxay ogyihiin in aqoontu tahay furaha
horumarka iyo guusha.
Maxay bartaan maalin kasta?
· Waxay akhriyaan buugaag horumarin
nafsadeed
· Waxay dhageystaan Podcast-yada
ama motivational talks.
· Waxay la kulmaan ama la xiriiraan
dad guulaystay si ay wax uga bartaan.
· Waxay isku dayaan inay bartaan
xirfad cusub oo sare u qaadi karta noloshada
Faa’iidada: Aqoonta aad hesho manta waxay kaa
caawin doontaa inaad mustaqbalka noqoto qof ka wanagsan sida aad hada tahay.
Gunaanad
Guushu
maaha wax nasiib ku yimaada, waa dadaal joogto ah oo lagu dhiso caadooyin
wanaagsan. Hadii aad rabto inaad gaarto guul, isku day inaad noloshaada ku
darto Sadexdaan Caado
· Subax waxtar leh yeelo- Maskaxdaada
iyo jirkaaga diyaarso.
· Dib ha u dhigin howlaha muhiimka
ah-hada bilow, ha sugin maalinta saxda ah.
· Wax cusub maalin kasta baro-Aqoon la’aan
guul ma jirto
Hadda waxaa
xigtay inaad ficil la timaado!
Maanta bilow,
waana hubaa in mustaqbalkaaga uu iftiimi doono.
Guusha,
caadooyinka Guusha, Guul, dib u Dhigis Horumar, maskaxda Guusha, Nolosha wanaagsan, side loo Guuleystaa?
0 Comments