LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

10 Simple Ways to Stay Motivated and Productive Every Day.

 



10 Hab Oo Aad Maalin Walba ku jogi Karto dadaal Iyo dhiirigelin

Inaad maliin walba si niyad leh ugu kacdo noloshaada waa mid ah waxyaabaha ugu mhiimsan ee lagu gaaro guul, horumar, iyo nabad maskaxeed. Nolosha casriga ah waxa ku timaadaa culaysyo badan, balse waxaa jira habab fudud oo kaa caawin kara inaad dhirigelin joogto ah ku hayso naftaada. Qormadan waxay kuu soo bandhigeysaa 10 hab oo fudud, ku fududaynaya dadaal iyo firfircooni maalin kasta.

 

1.Subax kasta u toos si niyad fican leh

Sida aad maalintaada u bilowdo waxay saameyn toos ah ku leedahay sida ay u dhamaan doonto.Marka aad hurdada ka kacdoisku day in aad ilahay u mahadnaqdo, Saladada tukato ducaysato quran akhrisato, Adkaru subax aad akhrisato , naftaada la hadasho oo tiraahdo “Maanta waa maalin cusub oo fursad cusub leh”

 

Niyad subax, bilaabida maalinta

 

2.Samee liis yar oo howlaha maaliinta

Marka aad leedahay qorshe malinleed oo cad, waxaad dareemaysaa xasilooni iyo dhiirigelin. Qor waxyaabaha muhiimka ah ee aad rabto inaad qabato si aadan u lumin waqtiga.

Qorshe maalinle,

 

3. Nafttaada ku abaalmari markaad wax qabato ama dheh allxamdulilaah

Markaad dhameyso hawl, xitaa mid yar, is- abaalmari. Waxay noqon kartaa cabitaad jeceshahay ama meel ad ku nasato oo ad farisato ama meel qurux badan aad tagto tani waxay maskaxdaada u sheegaysaa in dadaalka la qadarioyo.

 

Is-abaalmarin, horumar

 

4.Ka fogow dadka niyad jebinta

Dadkan had iyo jeer ka hadla waxyaabaha taban waxay dhaawici karaan dhiirigelintaada. Isku day inaad la noolaato ama la xiriirto dadka kaa tageera himiladaada.

 

Saaxibo dhiirigeliya,

 


5.Xusuusnow sababta aad u biloowday

Mararka qaar waxaad lumin kartaa dariiqa, balse markaa aad dib u xasuusato sababta aad u dadaaleyso-sida qoyskaaga, riyadaada, ama mustaqbalkaaga- waxaad mar kale helaaysaa dhiirigelin xoog leh.

 

Himilo, sababta nolosha

 

6.Akhri ama dhagayso wax ku dhiirigelinaya

Buugaagta, muuqaalada ama podcast-yada dhiiriigalinta ah waxay si weyn u sameeyn karaan niyadaada. Maalin walba waqti u samee  akhriska ama dhegeysi wax ku dhisa.

 

Dhagaysi dhiirigalin leh, akhris maalinle

 

7.Jimicsi fudud samee subax kasta

Jirka oo dhaqaaqa wuuxu kicinayaa maskaxda. Xitaa 10 daqiiqo oo socod ah subax walba waxay kor u qaadi karta tamartaada.

 

Tamar subax, jimicsi fudud

 

8.Naftaada la hadal si wanaagsan

Isla hadal togan wuxuu ka mid yahay furayaasha guusha. Halkii aad naftaada canaan lahayd, u sheeg waxyaabaha fican ee aad qaban kasro:

“waan awoodaa”waan ku dadaalayaa.”

 

Kalsoonida nafta

 

9.Niyad jabka ha u qaadan si shaqsi ah

Hadii wax kuu dhamaan waayaan, ha is eedeyn. Waa wax caadi ah in mararka qaar wax walba aysan socon. Is cafi oo maalinta xigta ku bilow tamar cusub.

Niyad jab, Samir iyo dulqaad

 

10.Duceyso oo ilaahay isku xir

Xiriirka aad la leedahay ilaahay waa isha ugu weyn ee dhiirigelinta iyo degenaanshaha. Salaada, ducada iyo tawakalka waxay qalbiga kaa dhigaan mid degan oo xoog leh,

 

Tawakal, ducada subaxnimo

 

Gunaanad

Dhiirigelintu waa wax gudahaaga ka imanaya, mana aha wax laga sugo dadka kale, Adigaa mas’uul ka ah noloshaada, adigaaa naftaada kicin kara. Bilow manta, isticmaal hababkan, kuna soco jidka Horumarka, kalsoonida, iyo guusha.

Post a Comment

0 Comments