LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

What Are the Reasons People Get Tired of Their Daily Work?

 





Maxay Tahay Sababta Dadku Ay Uga Daalaan Yihiin shaqada Maalinlaha Ah?

Shaqada maalinlaha ah waa qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha qof kasta, balse inta badan waxay noqotaa mid culus oo qofka daal gelisa.

Dad badankoodu waxay la kulmaan caqabado kala duwan marka ay shaqooyinka maalinlaha ah qabtaan, waxaana jira sababoyin badan oo keenay daalka jogtada ah.

Halkaan waxan kuguso qoray maqaal wax badan ka caawinkara

1.Cadaadis iyo Waqti Xaddidan

Shaqada maalinlaha ah waxay badanaa leedahay saacado shaqo oo dheeri ah iyo waqtiyo aad u xadidan, taasoo keenaysa cadaadis iyo walwal. Qofka oo isku dayaya inuu dhammeyo hawlaha shaqo ee adag ee loo idmaday, wuxuu dareema in waqtigiisu uusan ku filnayn si u si buuxda u qabto shaqadiisa, taasoo ugu dambeyntii keenta in uu dareemo daal badan

2.Shaqooyin aan xiiso badanyn

Hadii shaqadu aysan kuu noqon mid aad jeceshahay, ama aysan kugu dhiirrigelin, waxaad dareemi kartaa niyadjab. Shaqooyinka aan xiiso lahayn maxay dadka ka dhigaan kuwo kadharagsan oo aan xamaasad lahyn, taasoo keenaysa inay shaqadoodu noqoto mid kaliya oo loo qabto sabab la’aan, iyada oo aan faraxad laga helin

3.Isku-dhafka Shaqoda iyo Nolol Shakhsiyeed

Shaqada iyo nolosha shakhsiyeed waxa isku dhafan yihiin marka waqti badan shaqada lagu qaato, isla markaana waqti yar loogu hayo qoyska iyo hawlaha kale ee shakhsiyeed. Markaas, qofku wuxuu dareemi kara inuu lumiiyo iskudheelitirnaanta  noloshiisa, taasoo keenta daal iyo niyad jab. Hadii shaqada aysan ka caawin noloshaada shakhsiyeed, waxay noqon karta mid la’aan ku keenta xanuun iyo daal joogta ah.

4.Culeyska Maskaxda iyo Dhabarka

Shaqada qaar waxay ka dhalata dhawacyo maskaxeed iyo jireed. Dadka qaarkood waxay la kulmaan culays maskaxeed, iyadoo hawlaha shaqadu u baahan yihiin feejignaan iyo xoog. Inta badan. Dadka shaqada qabanya waxay la kulmaan xanuuno dhabarka ah ama gacmaha,taasoo saameyn ku yeelanaysa awoodooda shaqo.

5.Horumar La’aan iyo Saboolnimo Maskaxeed

Shaqooyinka qaar waxay dadka ka dhigaan kuwo aan helin fursado horumarineed. Qofka oo aan helin fursad u uku horumariyo xirfadiisa ama noloshiisa shaqo, wuxu dareemi karaa in shaqada aysan waxba ka bedelin noloshiisa.

Hadii shaqadu noqoto mid kaliya oo maalin walba la soo celinayo,waxaa aad u yaraada dhiriirigelinta iyo xamaasada, taasoo keenta daal iyo niyad jab.




Gunaanad

Daalka shaqada waa dhibaato ay la kulmaan dad badan, waxaana sabab u ah cadaadiska shaqada, waqtiga xadidan, iyo isku dheelitir la’aanta shaqada iyo nolosha. Hadii aad dareemayso dhibaatada maskaxeed ee shaqada ama aad la kulmayso  horumar la’aan shaqada, waxaa muhiim ah inaad raadiso  nasasho joogto a  h, helitaanka shaqo xiiso leh, iyo inaad iska ilaaliso xanuunka jirka ee shaqada. In la helo jawi shaqo oo wanagsan ama xasiloon waxay yareyn kartaa cadaadiska bulshada ee shaqada waxayna kaa caaawin kartaa inaad dareento farxad iyo horumar.

Post a Comment

0 Comments