LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

How to change your life in 30 days

 





Ma dareemaysa in noloshada ay meel tagantahay ?

Ma rabta isbedel degdeg ah?

Dhaaman waxa kaga boogan qoraalkan qimaha badan an hoos kugu sharaxnay mudo 30 malmood ah saad guul ugaarikarto ama is ku bedelikarto

Noloshaadu waxay noqon kartaa mid faido kuleh , balse waxa jira siyaabo aad ku bilaabi karto inaad naftaada dib u dhisto wax kasta oo aad jeceshahy inaad noloshada ka gaarto waxaad bilaabi karta isbeddelada wa wayn ee lagu sameeyo bil gudaheed. Haddaba waxaa jira talaabooyin muhiim ah oo aa qaadi karto si aad u bedesho noloshaada mudo 30 malmood gudahood. Qoraalkan waxa kugula wadagi doona sida aad u gaari karto isbedel wayn bil gudaheed iyadoo aad racayso qorshe cad

1,Dejiso yoolal cad oo la taaban karo

Yoolal cad aya ah saldhigga guusha si aad u bedesho noloshada waa inaad haysta yoolal la taaban karto. Tusaale ahaan hadii aad rabto inaad noqoto qof guulaysta yoolkaaga wa inuu noqdo mid la fahmi karo oo la cabiri karo waxaad isticmaali kata nidaamka SMART GOAL taas oo ka dhigan in yoolalkaaga ay noqdaan kuwan so socda oo kale

·         GAAR AH

·         LA CABIRI KARO

·         LA GAARI KARO

·         KU HABOON

·         WAKHTI CAYIMAN

TUSAALE: 30 malmood gudahood waxad barata xirfad cusub oo ad ku shaqaysato ama si online ahba ugu shaqaysato marka hadii ad donayso inaad guulaysato wa in yoolalkaga  ay noqdan kuwo la fahmi karo oo lagu gaari karo mudadaas gaban.

2. Iska Saar Caadoyinka Xun

Caadoyinka xun ee kaga lumo wakhtiga waxay ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee isbedelka. Si loo gaaro nolosha cusub ee aad rato waa inaad iska saartaa caadooyinka aan fa’iidada lahyn sida

·         Wakhti lumis badan tusaale social mediaha ama waxyalaha malayacniga ah

·         Caajis: caajisku waa mid ka mida wax yalaha ka hor istaagikara ina gaarto yoolkaga

·         Iska dhigid ama ka mahsanan howlaha muhiimka ah: waxa jiro adigo ay kutal how aad muhiim u ah ad ku mashqusho wax an aad u muhiim ahayn

Bilow inad yareyso waqtiga aad ku luminayso waxyaabo aan wax tar lahayn taaso kuu ogolaaneysa inaad xooga saarto howlaha waawayn ee kuu baahan

TALO: Markaad caadooyinka xun iska saarto waxad helaysaa fursad aad diirada ugu saarto noloshada iyo yoolalkaga iyo wali 30 malmood ad u qabsatay ina wax un kaga miro dhaliso

3 Abuur Caadooyin Wanaagsan

Guushu waxay ka timaada caadooyin wanagsan. Waa inaad bilowda inaad abuurto cadooyi ka caawinaya inaad gaarto yoolalkaga. Caadooyinkaaas waxa ka mid ah

·         Akhriska Maalinlaha ah

·         Jimicsiga

·         Shaqooyinka qorsheysan

·         Qorsheynta maalintaada

TALO: Caadooyinkan wanaagsan waxa kaa cawin kara inaad naftaada sii dhirrigaliso iyo inaad wax badan qabato

4. Samee Howlo Cusub

Nolosha bedelkeeda waxay ku bilaabataa marka aad ka baxddo wahsiga ama iska jiifka hadii aad rabto inaad noloshaada horumariso waxaad bilaabi kartaa inaad isku daydo howlo cusub waxaad ku bilaabi karta

·         Barashada xirfad cusub

·         Bilaabida mashruuc cusub

·         Iska soo qadida fursado cusub

 


5. Ilaali Maskax wanagsan

Fikradaada ayaa ah furaha guusha maskax wanaagsan aya kuu ogolaanaysa inaad ku sii socoto hadii ay jiraan caqabado hadii aa doorato inaad aminsan tahay inaad guulaysan karto waaxd heli doonta fursad wayn oo aad ku gulaysato

 

TALO: waa inaad maskaxdada iyo mankagaba u shegto inaad gulaysan karto oo aad niyad santahay sida diintena macaan ino shegtay in niyad Samantu ku horsedikarto guulo badan 30 maalmood waaba malmoo badan ka yar ayad yoolkaga iyo hadafkaga kaga xaqijinkarta

 

 

GUNAANAD

Sida aan ku soo aragnay isbedela noloshaada wuxu ku bilaaban karaa tallaabooyin fudud oo la hirgelin karo mudo bil gudaheed hadii aad raacdo hababkan kor kuguso shegay 




 

 

Post a Comment

0 Comments