LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Benefits and Risks of Social Media

 



      
 


Faa iidooyinka iyo khatarta Baraha Bulshada

Baraha bushada waxay noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha casriga ah, iyadoo ay sameyn wayn ku leyihiin isgaarsiinta, wadaagista aqoonta iyo xiriika bulshada. Si kastaba ha ahaate , isticmaalka baraha bulshada wuxu leeyahay faa’iidooyin aad u badan oo wax ku oolaa iyo khasaare khatarteda leh,

Faaiidooyinka Baraha Bulshada:

1.      Isku xirka Caalamiga ah: Baraha bulshada waxay fududeeyaan isku xirtka dadka adduunka dacalladiisa kala jooga, taasoo kor u qadaysa is fahamka iyo wada shaqaynta caalamiga ah

2.      Wadaagista Aqoonta iyo Wararka: Baraha bulshada waxay u oggolaanayaan dadka inay si fudud u wadaagaan aqoonta casriga ah, wararka, iyo fikradaha, taasoo kor u qaadaysa waciyiga bulshada iyo fahmka guud.

3.      Fursadaha Ganacsi iyo suuq-gaynta: Ganacsiyada waxay isticmaali karaan baraha bulshada si ay u gaaraan macaamiil cusub, u suuq geeyaan alaabadooda, una dhisaan sumacad online ah ugana helan macaamiil badan oo ay halkas kuwada xiriran.

4.      Taageerada Bulshada iyo Iskaashiga:

Baraha bulshada waxay bixiyaan taageero bulsho iyo fursado iskaashi gaar ahaan kooxaha danaha gaarka ah leh ama ururada samafalka iyo waliba kuwa uu dooda xaquqaha bulshada

Khatarta Baraha Bulshada:

1.      Saamaynta Caafimaadka Maskaxd: Isticmaalka xad dhaafka ah ee baraha bulshada wuxu samyn ku yesha maskaxda iyo lafalgalka isticmalaka aladaha baraha bulshada taaso ku keni karta maskaxdada inuu mamulo.

2.      Khatarta Amniga yo Sirta: La wadaagista macluumaadka shakhsiyeed ee baraha bulshada waxay kordhin kartaa khatarta xadgudubka amniga iyo gudbinta sirta khaska ah iyadoo macluumaadka loo is ticmalikaro si khaldan

3.      Faafinta Wararka Been Abuurka ah: Baraha bulshada waxay fududeeyaan faafinta wararka aan la xaqiijin, taaso keeni karta  been abuur iyo ku xad gudbid qof an eed lahayn

4.      Saameynta waqtiga Hurdada: Isticmaalka baraha bulshada ee habeenkii, gaar ahaan ka hor hurdada, wuxu saameyn taban ku yeelan karaa Tayada hurdada iyo cafiimadka guud

Xasuusin: waxa hubaal ah in Baraha bulshadu ledahay Faa’iido iyo khatar marka adiga ahaan waxay kugu xirantahay habka aad doorato hada faa’iidooyinka aad doorato waxad kahelaysa waxbarashadi, shaqadi, hormarki ganacsigi, isgaarsiintin hadaad doorato dhinca khatartana waxad ka helaysa caafimaad xumo amni xumo wakhti lumin fara badan iyo dhiabaatoyin xaga maskaxda ah 



Gunaanad

Baraha bulshada waxay bixiyaan faaiidooyin badan oo ku saabsan isku xirnaanta iyo wadaagista aqoonta, lakiin sidoo kale wxay leeyihiin khataro u baahan feejignaan. Waxaa lagama maarmaan ah in aan si masuuliyad leh u isticmaalno baraha bulshada, annagoo ilaalinayna amniga, sirta iyo caafimaadka maskaxda.





Post a Comment

0 Comments