LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

5 Steps To Take Control Of Your Life

 






5 Tallaabo oo kuu sahlaya Inaad Noloshaada Xakamayso

Noloshaada xakamaynteedu  waxay ka bilaabataa go’aamada aad qaadato iyo ficilada aad fuliso. Dad badan ayaa dareema in ay nolol maalmeedkooda ka lumisay jihadi saxda ahayd, lakiin hadii aad qaado tallaabooyin sax ah, waxaad dib u heli kartaa xakamaynta noloshaada. Halkan waxaa ah 5 Talaabo oo muhim ah oo kaa caawin doona inaad noloshaaada hagajiso.

1.Dajiso Yoolal cad oo Tilmamaya Mustaqbalkaaga

Hadii aad rabto inaad xakameyso noloshaada, waa inaad  si sax ah u ogaatid halka aad u socoto. Yool la’aan, waad ku dhex wareeri doontaa nolol aan lahyn jihayn cad.

. Qor Yoolalkaaaga (Maalinle, Todobaadle iyo biloodle, sanadle).

. U qaybi yoolaalkaaga kuwo gaagaaban iyo kuwo fog ama mudo dheer si aad si tartiib ah ugu dhowaan karto.

Yoolal cad oo aad dajisato waxay ku fududayn doonaan inaad diiradada saarto waxyaabaha muhiimka ah ee noloshaada.

2.Xakamee waqtigaaga oo ka fogow Luminta waqtiga

Waqtigu waa kheyraadka ugu qiimaha badan ee aad haysato. Hadii aadan si wanagsan u maareynin waqtigaaga, noloshaadu waxay noqon doontaa mid jahawareer ah.

. Samee jadwal maalinle si aad u qorsheysato shaqooyinkaaga muhiimka ah.

Ka fogow waxyaabaha waqtigaaga luminaya sida scolling ka badan, Tv-da xad dhaafka, social mediaha bilamacnaha kadawato  iyo la sheekaysiga aan micnaha lahayn.

 

Markaad Maamusho waqtigaaga, waxaad dareemaysaa xoriyad iyo awood badan.

3.Dhis Maskax Adag oo Diirada Saarta Guusha

Dadka guulaysta waxay leeyihiin maskax adag oo xakameyn karta fikiradooda iyo dareenkooda. Hadii aad rabto inaad noloshaada xakamyso , waa inaad maskadaada ka ilaaliso fikir xun iyo walwal an jirin.

. Ku celceli fikir togan oo ka fogow fikiradaha niyad- jabka keena.

. Samee nasasho maskaxeed si aad u yareeyso walbahaarka.

. Ku hareereesnow dad dhiirigelin ku siiya ka fogow dadka xunxun ee kuu horseedi kara burbur maskaxeed.

 

Markaad xakameyso maskaxdaada, waxaad noqon doontaa qof leh awood buuxda oo xukuma noloshiisa.

4. Xakamee Dhaqalahaaga Si aad u Hesho Xorriyad Maaliyadeed

Lacgtu waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee saameeya nolosha qofka. Hadii aad rabto inaad noloshaada xakamayso, waa inaad bilowdaa inaad si caqli ah u maamusho dhaqaalahaaaga.

. Same budget maaliyadeed si aad u ogaato halka ay lacgtaadu kaaga baxeyso.

. Ka fakar dariiqooyin aad ku kordhin karto dakhligaaga,

. Ka fogow deymo xad dhaaf ah iyo kharashaadka aan muhiimka ahayn.

 

Markaad xakamayso dhaqaalahaga, waxaad heli doontaa nolol xasiloon oo xor ah.

5 Samee Caadooyin Wanaagsan oo Laguu Yaqaano

Caadooyinkaaga maalinlaha ah ayaa go’aaminaya mustaqbalkaaga. Hadii aad rabto inaad gaarto guul iyo nolol degan, waa inaad sameysataa caadooyin wanaagsan.

. Samee subax wanagsan oo aad u qororsheysato si niyadaadu u noqoto mid wanaagsan.

. U hur waxbarasho joogto ah, akhriso buugaag qiimo leh oo noloshaada wax ka bedeli kara.

. Samee jimicsi si aad caafimaad iyo firfircooni u hesho

 



Caado wanaagsan=Nolol wanaagsan.

Gunaanad

Hadii aad rabto inaad xakamyso noloshaada, waa inaad adigu noqotaa qof go’aamiya jihada aad u socoto.

ü  Deji yoolal cad

ü  Xakamee waqtigaaga

ü  Dhis maskax adag

ü  Maaree dhaqaalahaaga

Post a Comment

0 Comments