LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

10 Ways To Improve Your Daily Life





10 Hab oo lagu Horumarin Karo Nolol Joogta ah

Nolosha joogtada ah waa safar u baahan dadaal, qorsheyn, iyo caadooyin wanagsan. Qof kasta wuxuu rabaa inuu horumar ka sameeyo dhinacyada kala duwan ee noloshisa sida shaqada, caafimaadka, xiriirka bulshada, iyo kobaca shakhsi ahaaneed. Balse su”aasha muhiimka ahi waa: Sidee loo gaara nolol Jorumarsan oo xasilloon?

Maqaalkan, waxaan kuu soo gud gudbinayaa 10 hab oo muhiim ah oo kaa caawin kara horumar joogto ah. Hadii aaad si sax ah u dabaqdo, waa dareemi  doonta is bedel muuqda.

1.U Jeexo Noloshaada Hadafyo Cad

Hadaf la’aan waa sida Markab aan laa jihayn. Haddii aad rabto inaad horumar gaarto, waa inaad yeelato Hadafyo cad oo aad ku sheqeso. Qor hadafyadaada muddo dhow iyo mid fog, kadibna samee qorshe aad ku gaari karto. Tusaale ahaan, hadafkaaga wuxu noqon karaaa inaad baratid xirfad cusub, kor u qaado caafimaadkaga, ama aad bilowdo ganacsi.

Talooyin:

. Isticmaal Hadaf caqliyeeysan

. Qor hadafyadaada maalin kasta si ay maskaxdaada ugu adkaato

“” Hadafyada nolosha, qorsheyn nololeed, horumar joogto ah.

2.Baro Maareynta Waqtiga

Dad badan waxay waqti ku lumiyaan waxyaabo aa faa’iido lahayn sida isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada ama TV-da. Haddii aad si sax ah u maarayso waqtigaaga, waxaad awood u yeelan doonta inaad wax badan qabato maalintii gudaheeda.

Sida Waqtiga Loo Maareeyo:

. Diyaari jadwal wakhtiga kuu maareeya

. Adeegso farsamo sida (shaqo 25 daqiiqo +Nasasho 5 daqiiqo).

. Mudnaanta sii shaqooyinka ugu muhimsan

‘’Maareynta waqtiga, wax soo saar sare qorshe nololeed.

3.Samee Caado Wanaagsan:

Caadoyinka wanaagsan waa kuwa noloshaada si tartiib tartiib ah u bedelaya. Xirfadaha iyo guusha laga gaaro nolosha waa natiijo ka dhalata caadooyin sax ah.

Caadooyinka Ugu Muhiimsan:

. Akhri buugaag maalin kasta.

. Qabso wakhti Jimicsi

. Cun Cunto Caafimaaad leh oo isku dheelitiran

. Ka fogow balwadaha xun xun

“ Caado wanaagsan, nolol caafimaad leh horumar shakhsi ah.



4.Baro Xirfado Cusub:

Barashada xirfad cusub waxay kobcinaysaa maskaxdaada waxayna kuu horseedi kartaa fursado shaqo iyo ganacsi oo cusub. Xiliigan casriga ah, barashada xirfado online ah aad ayeey u fududahay

Xirfadaha Labarankaro:

. Xirfadaha Casriga

. Kuwa kutarikara inaad ku shaqaysato

. Baro xirfadaha wakhtigan casriga ah muhiim ah

Waad baran karta xirfado kuwaas oo kale ah adigoo adeegsanaya YOUTUBE,UDEMY, Courses IWM

“ Xirfado cusub, barashashada xirfado shaqo online ah.

5.Daryeel Caafimaadkaga

Caafimaadkagu wa hantidaada ugu weyn. HAdii aad caafimaad wanaagsan heysan, ma awoodi doontida inaad shaqeyso ama aad horumar sameysato.

Sida Loo Daryeelo caafimaadka:

. Cun Cunto Caafimaad leh oo borotiin, fiitamiin, iyo macdan.

. Hurdada hagaaji ugu yaraan(6-8 sacadood).

“ Caafimaad wanaagsan, nolol caafimaad leh , jimicsi.

6.Xiriirkaaga Bulshada Hagaaji

Xiriirada wanagsan waxay kuu horseedaan farxad iyo xasiilooni. Lasoco dad kugu dhiirrihalinaya horumarka nolosha.

Talooyin:

. La xiriir qoyskaaga iyo asxaabtada si joogta ah (Diinte macaan waxay inoo sheegtay in qarabada la xiriirino)

. Ka fogow dadka xumaanta kuu horseeaya.

“ Xiriirka bulshada, saaxiibo wanagsan, nolol wanagsan.

7.Maskaxdaada Ku Hagaaji Fikir Wanaagsan

Maskaxda wanaagsan ayaa ka caawinaysa inaad horumar sameyso. Ka fogow fikirka xun iyo shakiga naftaada.

Sida Loo dhiso Fikir wanaagsan:

. U mahadceli wax kasta oo aad heysato.

. Ka fikir waxyaalaha fican ee kuu dhici kara.

. Xasuuso guulahaaga hore.

“ Fikir wanaagsan, maskax caafimaad leh, nolol togan.

8.Dhaqaale Maareyn Wanaagsan Samee

Hadii aad rabto nolol dagen, waa inaad si sax ah u maamusha dhaqaalahaaga.

Sida Lacagta Loo maareeyo:

. Same miisaaniyad cad bil kasta

. Keyd Samee

9.Is Bar Waaqiciga Jira

Marka aad ogaatid xaiiqada nolosha, waxaad yeelan doontaa dulqad badan. Ma jiraan guulo degdegah, dadaal baa loo baahan yahay.

Xaqiiqooyinka Nololeed:

. Guusha si dhakhso ah laguma gaaro.

. Qof kasta wuu guuldareystaa, balse muhiimadu waa sida aad uga so kabsanayso.

. Shaqo adag iyo sabir ayaa lagu gaaraa horumar.

“ Xaqiiqda nolosha, guul, horumar joogto ah.

10.Ilaali Diintaada Iyo cibaadada

Diinteena wa ina kuu xirnaana waayo waxay sii naysa noloshada xasilooni iyo hagitaan ku dadal waxyalah diintenu ina fartay inaan ku dhaqano si aan aduun iyo akhiiraba u guulaysano

 

Talooyin:

. Salaada Jogtay ilaalina wakhtigeeda

. Qu’aanka akhri malinkasta inta aad awoodo hakugu jirto jadwal malmeedkaga

. Duco badan bixi si aad xasilooni u hesho. Ducadu waxay ba jiisaa qadarka  ku dadaal Ducada

 

“ Diinta Islaamka, cibaado, nolol deggen.

Gunaanad

Horumar joogto ah wa mid qof walba gaari karo hadii laa raaco habab sax ah. Hadaaba, dooro caadooyinka saxda ah, dadaal, dulqaad, iyo fikir togan si aad u gaarto nolol wanaagsan!

Post a Comment

0 Comments